Abaabulka howlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo ka billaawday Gobolka Mudug

by admin | Friday, Feb 3, 2023 | 271 views

Wasiirka Wasaaradda amniga gudaha Dowlad Goboleedka Galmudug Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe ayaa booqday furimaha hore ee dagaalka ee koonfurta gobolka Mudug, isagoona ciidamada Daraawiishta iyo kuwa xoogga dalka ee halkaas ku sugan gaarsiiyay Shidaal iyo Xoolo.

Wasiir Gaboobe oo ay booqshadaan ku wehlinayeen Senator Siciid Siyaad Shirwac iyo Wasiir ku xigeenka Beeraha Galmudug, Saraakiil Ciidan iyo mas’uuliyiin kale oo katirsan Galmudug.

Wasiirka Amniga Galmudug Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) ayaa goobaha uu tagay waxaa ka mid ah Baraag Ismaaciil iyo deegaanno kale oo ku dhow deegaanka Caad.

Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Galmudug Gaashaanle Sare Maxamed Cali Nuur Gadaar ayaa ka guddoomay wasiirkan Deeqda Xoolaha iyo shidaalka, isagoona uga warbixiyay xaaladda ciidamada iyo guulaha ay soo hoyeen.

Wasiir Gaboobe ayaa ugu dambeyn ciidamada kula dardaarmay dardargelinta howlgallada lagu xoreynaayo degaannada Galmudug.

Like it? Share it!

Leave A Response