Shir xasaasi ah oo ka dhacay Muqdisho.

by admin | Wednesday, Feb 1, 2023 | 235 views

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo ay wada qaateen madaxda, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya Mudane William Ruto, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Mudane Abiy Axmed.

Shirkan ayaa lagaga arrinsanayey sidii loo mideyn lahaa hawgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo madaxdu ay falaanqeeyeen hannaanka fulinta qorshaha Muqdisho ee ka soo baxay shirkii maalmihii la soo dhaafay ay yeesheen Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga dalalka, Soomaaliya, Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.

Madaxda ayaa wadajir u bogaadiyey guulaha Ciidamada Soomaaliyeed ay ka gaareen howlgalladii lagu xoreeyey deeganno badan oo ka tirsan dalka, waxa ayna hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay In la sameeyo hawlgallo ay si wada jir ah u fulinayaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya iyo  Ciidamada Dawladdaha Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya, kuwaas oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey Madaxda dalalka Kenya  William Ruto, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Mudane Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle sida ay u ajiibeen marti-qaadka uu u fidiyey, isagoo oo tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay adkeynta xasilloonida gobolk.

Like it? Share it!

Leave A Response