Qodobada ay isku hayaan DF Soomaaliya iyo Puntland

by admin | Thursday, Jan 12, 2023 | 283 views

Maamulka Puntland ayaa todobaadkaan ku dhowaaqay in maamulku uu u dhaqmi doono sidii dawlad madax-banaan, inta laga dhamaystirayo dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, iyadoo hannaanka dhamamsytirka dastuurkana ay qayb ka tahay Puntland.

Go’aanka kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in iyadoo raacaysa qodobo ka mid ah dastuurka federaalka iyo kan Puntland ay si gooni ah dawladda federaalka ugala xaajoo doonto heshiisyada dawlad dhiska.

Si gaar ah, waxaa bayaanka Puntland lagu cadeeyey inay daneynayaan ka qeyb qaadashada dhammaystirka dastuurka iyo heshiisyada kale ee siyaasiga ah, sida awood qaybsiga, habdhiska amniga, wadaagga khayraadka iyo deeqaha caalamiga ah.

Dr. Afyare Cilmi oo ah Agaasimaha Machadka Daraasaadka Heritage oo la hadlay VOA ayaa sheegay in go’aanka Puntland uu ka dhashay in markii horaba ay Soomaalida go’aan u gaarayeen ‘koox yar oo qol hoos ka soo xirata.’

Wuxuu sheegay in markii lasoo tago go’aanka Puntland, aysan gabi ahaanba sax aheyn in golaha watashiga qaran ay qodob qodob go’aan uga gaaraan masiirka dalka, iyagoo seddaxdii biloodba mar hal qodob ka fariista.

“Aniga waxaa ila quman in sida adduunku wax u maamulo ay Soomaalidu isku maamusho oo wax u dhisato, waa in la sameeyo guddi, dejiya qorshe qaran oo Soomaalidu ay isku maamuli karto 100 sano ee soo socota,” ayuu yiri Dr. Afyare Cilmi.

by TaboolaYou May Like
DAGAAL sababay dhimasho iyo dhaawac oo maanta ka dhacay magaalada Guriceel – Caasimada Online
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo u jawaabay Saciid Deni – Caasimada Online
British ‘White Widow’ splits from her FOURTH husband and flees Somalia – Caasimada Online
Afyare ayaa soo jeediyey in go’aan ka gaaridda masiirka umadda Soomaaliyeed aysan isku koobin madaxda maamullada iyo dowladda dhexe oo quburo aqoon u leh loo xil-saaro dejinta shuruucda lagu maamulayo dalka.

“Waxa la isku hayo waa nooca ay noqoneyso dowladda Soomaaliya ee federaalka ah, marka nuxurka warkaan ka yimid Puntland halkaas ayuu ku biya shubanayaa.”

Maqaamka Caasimadda Muqdisho, arrinta Somaliland iyo qeybsiga Kheyraadka doorka ay ku yeelanayaan maamullada qeybta ka ah dowladda federaalka oo aan kala cadeyn ayuu shegay Afyare inay keentay jaha wareerkaan cusub.

“Arrintu waxay ka cakiran tahay Soomaaliyada cusub ee la dhisayo ma isku xuquuq ayaa la noqonayaa, mise gobollo gaar ah ayaa wax loo badi doonaa, markaan eegno Puntland iyo Somaliland, arrimahaas ayaa aad looga doodaa, marka waxaaba qaldan in dhowr qof ay qol soo xirtaan oo go’aankii ay doonaan gaaraan, taas oo keentay in la ogaa waayo waxa ay isku khilaafeen,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Dr. Afyare Cilmi.

Like it? Share it!

Leave A Response