Mareykanka oo sheegay in uu duqeyn ku dilay xubno Shabaab ka tirsan

by admin | Saturday, Dec 24, 2022 | 279 views

Mareykanka ayaa Soomaaliya ka fuliyay duqeyn uu ku dilay lix ka tirsan Al-Shabaab Jimcihii, sida lagu sheegay war ka soo baxay taliska Mareykanka ee Afrika.

Weerarkan ayaa ahaa mid is-difaac ah, sida uu sheegay taliska ama AFRICOM, waxaana lagu fuliyay codsi uga yimid dowladda Soomaaliya. Marka loo eego qiimeyn hore, ma jirto dad rayid ah oo la dilay ama lagu dhaawacay.

Duqeynta ayaa ka dhacday meel ku dhow magaalada Cadale oo qiyaastii 150 mile dhanka waqooyi bari kaga beegan caasimadda Muqdisho.

Markii saddexaad oo muddo 10 maalmood gudahood ah duqeyntaan ay dhacdo.

Midka koowaad ayaa dhacay 14-kii December, waxaana AFRICOM ay sheegtay in 7 ka tirsan Al-Shabaab ay dileen. Duqeynta labaad ayaa dhacday saddex maalmood kadib, waxaana lagu dilay 8 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

“Al-Shabaab waa Shabakadda Al-Qaacida ugu weyn uguna dhimashada badan caalamka, waxayna caddeysay rabitaankeeda iyo awoodda ay u leedahay inay weerarto rayidka Soomaalida, Bariga Afrika iyo Mareykanka,” ayaa lagu yiri qoraalka AFRICOM.

Mareykanka ayaa taageero joogto ah siiya dowladda Soomaaliya tan iyo markii madaxweyne Joe Biden uu ansixiyay bishii May codsigii Pentagon-ka ee ahaa in ciidamada Mareykanka la geeyo aaggaas si looga hortago kooxda argagixisada ah.

Like it? Share it!

Leave A Response