Ganacsade caan ahaa oo lagu dilay degmada Cabudwaaq

by admin | Tuesday, Dec 13, 2022 | 293 views

Wararka naga soo gaaraya degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ay bartamaha degmadaas shalay galab ku dileen ganacsade caanka ahaa, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Maleeshiyaadka ayaa ganacsada ahaa oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Cabdinuur ku dilay kaalin shidaal oo uu ku lahaa xaafadda Waaberi ee bartamaha degmada Cabudwaaq, sida ay dad goobjoogayaal ah xaqiijiyeen.

Wararka aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in dilkaan uu salka ku hayao arrimo la xiriira dilal aanooyin qabiil oo ka dhaxeeya qaar kamid ah beelaha dega degmada Cabudwaaq, kuwaas oo dhowr jeer soo laab laabtay.

Ciidamo ka tirsan laamaha amniga degmada Cabudwaaq ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, iyaga oo baadi goobayay dadkii ka dambeeyay dilkaas, wallow aysan ku guuleysan inay soo qabtaan, hase yeeshee meydka marxuumka ay goobta ka qaadeen.

Maamulka iyo laamaha amniga degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaan weli ka hadlin dilka ganacsadaha loogu geystay degmadaas, waxaana dhowr jeer kusoo laab laabtay degmada Cabudwaaq dilalkala xiriira aanooyinka qabiil.

Like it? Share it!

Leave A Response