9 shaqaalaha gargaarka ah ayaa Soomaaliya lagu dilay dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay

0
140

Sagaal ka tirsanaa shaqaalaha samafalka ayaa Soomaaliya lagu dilay sagaalkii bilood ee la soo dhaafay.
Warbixin ay soo saartay  QM ayaa sidaa lagu xusay. Xafiiska OCHA ee QM ayaa warkaa uu kasoo baxay gaar ahaan shalay Jimcihii.
Waxaa sidoo kale warbixintaasi xustay in 11 kale oo ka tirsanaa shaqaalaha samafalka bilahaa lagu dhaawacay gudaha Soomaaliya.
“Badbaadada shaqaalaha iyo ammaanka ayaa ah wali walaac weyn,” xogta ayaa sidaa lagu yiri.
Soomaaliya ayaa wali dhibaatooyin ka dhacaan dhanka ammaanka ah inkastoo ay haatan kasoo baxayso rubuc qarni dagaal sokeeye ah.

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE