Muxuu salka ku hayaa Safarka Wasiirka Gaashaandhigga XFS ee Itoobiya?

by admin | Wednesday, Dec 7, 2022 | 332 views

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa gaaray Magaalada Addis Ababa Caasimadda Itoobiya si uu ula kulmo dhiggiisa iyo mas’uuliyiin kale oo katirsan Dowladda Federaalka Itoobiya.

Sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhaw safarka Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac waxa uu madaxda Itoobiya kala hadlayaa howlgallada ka dhanka ah AS.
Mas’uuliyiin katirsan Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo Safarka ku wehliya Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa lagu wadaa in ay la kulmaan xubnaha ay derajo wadaagga yihiin si ay qayb uga noqdaan wadahadalka.

Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqday howlgallo ka dhan ah “AS” kaddib markii Dagaalamayaal katirsan “AS” ay weerareen deegaanno katirsan Dowlad-Deegaanka Soomaalida July 2022.
Ciidamada Itoobiya ee ku howlgalla ATMIS ayaa saacadihii lasoo dhaafay dhaqdhaqaaq ciidan ka billaabay deegaanno katirsan Gobolka Jubada Hoose gaar ahaan duleedka Magaalada Kismaayo xarunta KMG ah ee DG Jubbaland

Like it? Share it!

Leave A Response