Weerar Mindi loo adeegsaday ayaa ka dhacay Dalka Belguim {Daawo Sawirada}

0
141

Nin Mindi ku hubeesnaa ayaa weerar ku qaaday dhaawacna gaarsiiyay labo askari oo katirsanaa ciidanka booliiska dalka Belguim-ka, xili ay ku sugnaayeen goob mashquul badan oo laga raaco tareenada.

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in nin Mindi ku hubeesnaa uu dhaawacay labo askari oo katirsanaa booliiska xili ay roondo ku jireen, askarta la dhaawacay ayaa ku guuleestay in ay lugta ka dhaawacaan lana qabto ninkan weeraray .
Ciidamada la dagaalanka waxa loogu yeero argagaxisada ayaa baaritaan ku wada weerarkan ka dhacay dalka Belguim, waxa ayna tuhmayaan Sirdoonka dalkaasi in weerarkan uu la xariiro fal argagaxiso.
Dalka Belguim waxaa horey uga dhacay weearo badan ay geesteen kooxo la sheegay in ay xariir la leeyihiin kooxda Daacish, waxaana weeraradaasi ka dhashay qasaarooyin badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

http://www.allbanaadir.net/images/news/

http://www.allbanaadir.net/images/news/http://www.allbanaadir.net/images/news/http://www.allbanaadir.net/images/news/

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE