Qoorqoor oo lagu eedeeyay beegsiga beello gaar ah

by admin | Saturday, Nov 19, 2022 | 373 views

Gudoomiye ku xigeenkii hore ee maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir Ibraahim Mahad Alle ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha maamulka Galmudug in uu xaqiraad ku haayo qaar ka mid ah beellaha Galmudug.

Waxaa uu sheegay in Galmudug aysan ka qeyb qaadan dhammaan howlgalladii ka socday deegaanka Webxo ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Qoorqoor in uu maalinwalba magacaabo degmo cusub oo ah kaliyah tuulooyinka uu kasoo jeedo.

Gudoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Banaadir Ibraahim Mahad Alle ayaa yiri ” Madaxweyne Qoorqoor Beesha Murusade ma aqoonsanaa, Tuulooyinkii uu kasoo jeeday ayuu degmooyin ka taxay”

Hadalka Guddoomiyaha ayaa yimid xilli madaxweyne Qoorqoor lagu eedeeyay dhawaan in uu kala sooco beellaha Galmudug Qoorqoor.

Like it? Share it!

Leave A Response