Saraakiil Ciidan & Odayaal Maanta ku baxaya degaannadii lagu dagaalamay ee Sh/Dhexe

by admin | Sunday, Nov 13, 2022 | 338 views

Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ee Manta ah inay ku baxaan Saraakiil Ciidan iyo Odayaal dhaqan labadii maleeshiyo Beeleed ee dhawaan ku dagaalamay degaano hoostaga degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Labada maleeshiyo Beeleed oo isku heysta dhul kuyaalla degaannada hoostaga degmada Cadalle ayaa iska dilay in ka badan 20 Ruux, iyada oo weli xiisadda u dhaxeysa weli laga dareemay halkii ay ku dagaalameen.

Saraakiisha Ciidamada iyo Odayaasha Dhaqanka ayaa la filayaa inay kulamo la yeeshaan dhinacyadii ku dagaalamay degaano hoostaga degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha dhexe,iyaga oo kala hadlaya sidii loo dhameyn lahaa colaada soo laab laab laabatay.

Wasiirka Arimaha Gudaha Hirshabeelle Cabdi Daahir Guure (Karoore) ayaa sheegay in colaada Gobolka Shabeellaha Dhexe ay tahay mid soo laab laabatay, hayeeshee markaan ay qaadayaan tallaaboyin looga hortagayo dagaal Beeleedyada.

Degaannada hoostaga degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxaa kusoo laab laab laabtay colaad beeleedyada, iyada oo dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Hir-Shabeelle ay ku guuldareysteen inay waxka qabtaan soo noq noqoshada colaadaas.

Like it? Share it!

Leave A Response