Madaxweyne Mustafe Cagjar oo ka hadlay is rasaaseyntii lagu dilay Xildhibaanadda

by admin | Wednesday, Oct 26, 2022 | 275 views

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa ka hadlay is rasaaseyntii ka dhacday Garoonka diyaaradaha Magaalada Jigjiga oo ay ku geeriyootay Xildhibaan Jaweeriya Subcis.

Madaxwrynaha ayaa qoraal uu soo saaray uga tacsiyadeeyay ehelladeeda iyo Asxaabteeda geerida Xildhibaanad Juweeriya, isaga oo sidoo kale xaqiijiyay in gacanta lagu hayo askarigii dilka gaystay isla markaana la marin doono ciqaabta uu mutaysto.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa intaas ku daray hadalkiisa in la sameeyey guddi qabanqaabiya aaska marxuumadda.

Mustafe Cagjar ayaa sheegay in hay’adaha Amnigu ay gacanta ku hayaan baarista dhacdadan oo sidoo kale ay ku dhaawacmeen saddex ruux oo kale.

Like it? Share it!

Leave A Response