Muwaadin Soomaaliyeed oo weerar sababay dhimasho iyo dhaawac ka geystay Jarmalka

by admin | Thursday, Oct 20, 2022 | 245 views

Muwaadin Soomaaliyeed ayaa laba qof ku dilay mid kalena dhaawacay kadib weerar uu ka geystay duleedka magaalada Ludwigshafen ee gobolka Rhineland ee dalka Jarmalka.

Booliska Jarmalka ayaa sheegay in lagu soo wargeliyey toogashada ayna ku baxeen, waxaana la xaqiijiyay in Ciidamada Booliska ay toogasho ku dhaawaceen Ninka weerarka geystay.

Dadka weerarka lagu dilay ayaa waxaa lagu sheegay inay ay yihiin laba nin oo Jarmal ah oo da’doodu kala tahay 20 iyo 35 jir, halka weerarka lagu dhaawacay Nin 27 jir ah.

Ciidamada Booliska dalka Jarmalka ayaan weli si faah faahsan uga hadlin sababaha keenay in Ninka Soomaaliga ah uu weerarka geysto, balse ay shegeen in ay wadaan baaritaano la xiriira weerarka.

Weerarka muwaadinka Soomaaliyeed uu ka geystay dalka Jarmalka ayaa waxaa uu noqonayaa weerarkii labaad ee anad gudihiisa ka dhaca dalkaas, waxaana 26-kii Bishuu June ee sanadkii 2021-ka weerar ka dhacay magaalada Würzburg lagu dilay Saddex Ruux halka tobaneeye kale lagu dhaawacay.

Like it? Share it!

Leave A Response