Ciidamada dowlada oo lawareegay degaano ka tirsan gobolada is

by admin | Monday, Oct 17, 2022 | 370 views

Ciidamada Millateriga Soomaaliya oo ay wehlinayaan kuwa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa dhaq dhaqaaqyo iyo howlgallo ka dhan ah Ururka Al- Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada oo shalay gelinkii hore la wareegay degaano kuyaalla Bariga degmada Balcad ayaa saaka howlgallo Amniga lagu xaqiijinaya ka sameeyay degaannada, Mukaydheere, Shanlow, Dhaqaxow, Jameeco, Xawaadleey iyo degaano kale, halkaas oo dhawaan ay isaga baxeen Al-Shabaab.

Howlgallada oo ay hoggaaminayaan Xildhibaan Ismaaciil Xaadoodle iyo Guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Kaaraan oo labaduba katirsan Ciidamada Millateriga ayaa waxaa la sheegay inay Maanta kula wareegeen degaannada Jameeco, Yaaqle, iyo degaano kale oo kuyaalla degaannada Jiinka Wabiga ee Bariga degmada Balcad.

Dhinaca kale Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo kaashanayo Ciidamada Midowga Afrika ee  ATMIS ayaa howlgalo ka sameeyay deegaano hoos yimaada degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan halkaasi oo sida la sheegay lagu arkay xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Howlgalka oo uu horkacayay Xildhibaan Maalik Cabdalla ayaa waxaa la sheegay inay Ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ku galeen Deegaanka qoryaalle iyo deegaanada kale ee ka ag dhow, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Maamulka degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

  1. Nabadoon Maxamuud Cismaan Hagar oo kamid ah Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in isaga oo jira da’da 60 sano uu kubiiray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab kadib markii dadka Reer hiiraan ay dhibaato adag kala kulmeen Al-Shabaab, wuxuuna Odayaasha kale ugu baaqay inay qeyb ka noqdaan dagaalka
Like it? Share it!

Leave A Response