RW Xamsa Cabdi Barre oo Xulka Qaranka Soomaaliya ee 17 jirada u ballanqaaday Abaalmarin.

by admin | Friday, Oct 14, 2022 | 420 views

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamsa Cabdi Barre oo la kulmay Ciyaartoyda, Macalimiinta, Bahda Caafimaadka & la taliyaasha la socda xulka 17 jira ayaa ku dhiirrageliyay in ay ku guuleystaan koobka AFCON 2023 oo kulanka ugu dambeeya ay wajahayaan dhiggooda Koofurta Suudaan 15ka October 2022.

Xamsa Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa sheegay in Xulka & Macalimiinta ay kasoo baxeen kaalintooda sidaas awgeed loo baahan yahay in ay naftooda ku dhiirrageliyaan dhammeystirka qorshaha ay ku hananayaan koobka loo dhigay Xulalka Qaramada Afrika ee da’doodu tahay 17 sano jirada.

 

Wasiirka 1aad ee XFS ayaa tilmaamay in guud ahaan Soomaalidu ay indhaha ku hayaan ciyaartoyda qaranka oo kulankooda ugu dambeeya berri dheelaya, waxa uu bannaanka soo dhigay in Dhalinyaradu ay ka codsadeen waqtii uu ku howlanaa kala xulashada Wasiiradiisa in qof dhalinyaro ah loo dhiibo Wasaaradda una fuliyay ballankaas.

“Qof weliba Dalkaan meel ayuu ka joogaa, idinku kaalintiinu waxa ay ahayd in aad ciyaartaan oo aad badisaan, aad & aad ayaan idin kugu mahadcelinayaa, ummadda Soomaaliyeed guud ahaan way idin garab taagan tahay, markii aan waday wadatashiga waxa ay dhalinyaradu iga codsadeen in aan usoo magacaabo qof dhalinyaro ah, waxa ay taasi igu kaliftay in aan baddelo Wasiirka oo meel kale ku qornaa” RW Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre ayaa ballanqaaday in uu abaalmarin doonno Ciyaartoyda, abaalgudka ugu wanaagsan ayuu sheegay in ay heli doonnaan haddii ay ku guuleystaan Koobka AFCON 2023 oo ciyaarta kama dambeysta ah ay la dheelayaan dhiggooda Koofurta Suudaan Sabtida (15ka October 2022).

“Anigu waxa aan idiin ballanqaadayaa haddii aad guuleysataan & haddii aadan guuleysanba in aan jaaisad idin siin doonno, hadda waad guuleysateen balse haddii aad koobka qaadaan waxa aad heli doontaan jaaisad qiimo leh oo aad & aad u weyn, Madaxweynaha wuu idiin imaan doonnaa, Madaxtooyada waa la idinku martiqaadi doonnaa, Dadka Soomaaliyeed oo dhan TV-yada ayay idinka daawanayaan, waxa aan hubaa in haddii aad u dedaashaan sida aad dedaalka u bixiseen in aan guuleysan doontaan haddii alle idmo” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay RW Xamsa Cabdi Barre.

Aljeeriya ayaa lagu qabanayaa ciyaarta kama dambeysta ah ee Koobka CECAFA Zone ee 17 jirada ah oo ay isku arkayaan Xulalka Soomaaliya & Koofurta Suudaan oo kulamo kala duwan soo badiyay kahor inta aysan gaarin ciyaarta fiinaalka ah.

Like it? Share it!

Leave A Response