Hormuud Oo War Ka Soo Saartay Ciidamada Kenya Oo Gubay Xarun Ay Laheyd Shirkadda{Akhriso}

by admin | Tuesday, Aug 14, 2018 | 1220 views

Madaxda Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa waxa ay War-Saxaafadeed ka soo saareen Ciidamada Kenya oo gubay xarun ay ku laheyd Shirkadda Tuulada Calibuley oo 30KM dhanka waqooyi uga beegan Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose.

War-Saxaafadeedka ayaa waxaa looga hadlay in Ciidamada kenya ay tahay Xaruntii 6aad ay bur buriyaan,iyaga oo sheegay in ay hakad galeen howlihii ama Shaqadii ay u hayeen Shacabka deegaanada ay ku yaalaan Xarumihii la bur buriyey ee Shirkadda Hormuud.

 

Like it? Share it!

Leave A Response