Midowga Africa ayaa soo saaray War ay uga hadlayaan Howlgalka AMISOM…

0
114

hirka 622-aad ee Golaha Nabada iyo Amniga ee Ururka Midowga Afrika ayaa laga soo saaray Warmurtiyeed ka kooban 15 qodob oo ku qotoma howlgalka AMISOM iyo Xaalada Dalka Soomaaliya.

Madaxda Ururka Midowga Afrika ayaa ugu baaqay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay in Soomaaliya laga qaado xayiraadaha dhanka hubka ee saaran.

Midowga Afrika ayaa ku tilmaamay sii socoshada xayiraadaha dhanka ee saaran Soomaaliya mid aan u wanaagsaneyn amaanka mustaqbalka Dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, Golaha Nabada iyo Amniga ee Ururka Midowga Afrika ayaa si wada jir ah u soo dhaweeyay qodobadii ka soo baxay Shirkii Madasha Hogaamiyeyaasha Qaran kaasi oo looga hadlayay arimaha ku saabsan doorashooyinka Dalka.

Sidoo kale, Shirka Midowga Afrika ayaa Madaxdii ka qeyb gashay waxey si kulul u cambaareeyeen Weeraradii ugu dambeeyay ee Xarakada Al Shabaab ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn, Ururka Midowga Afrika ayaa shaaca ka qaaday in ay ka go’an tahay taageerida Dowladda Federaalka iyo Shacabka Soomaaliyeed, waxaan ay cod dheer ku sheegeen in aysan joojin doonin howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda Dalka Soomaaliya.