Markab gargaar u soo wada Somaliya oo ka soo shareecday Turkiga.

0
137

Dowladda Turkiga ayaa soo dirtay Markab gargaar u soo wada Soomaaliya,kaas oo ay saaranyihiin 11 Tan oo gargaar bani’adamnimo ah.
Markabka ayaa shalay oo Jimco ahayd ka soo baxay Dekadda Magaalada Mersin ee Koofurta Dalka Turkiga,waxaana uu ku soo wajahan yahay Soomaaliya.
Ismail Hakki Turunc,oo ah Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga ayaa sheegay in markabka uu wado Sokor Bur iyo agab kale .
“waxaa uu sidoo kale markabka wadaa 178,000, oo ah Xafaayadaha Carruurta,kuwaas oo aad ay ugu baahanyihiind adka ku nool gudaha Soomaaliya”ayuu yiri Ismail.
Ahmet Atik, oo ah madaxa waaxda difaaca Rayidka ee Hay’adda ka hortagga Masiibooyinka Dowladda Turkiga ayaa isna sheegay Markabkan uu yahay kii 12aad ee ay Hay’adda Bisha cas iyo Wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga oo iskaashanaya u diraan Soomaaliya.
“marka uu markabkan gaaro halka uu ku jeedo waxaa ay ka dhigan tahay  gargaarka Turkiga uu siiyay Soomaaliya uu gaari doonaa 62,000 oo Tan,waxaa sidoo kale Markabkan gargarka uu wado la gaarsiin doonaan dalalka Itoobiya iyo Jabuuti”ayuu yiri Axmed.
Markabka oo lagu magacaabo  Lila Majuro,ayaa lagu sheegay in uu ku socdo Somaliland,Puntland oo ah labo maamul goboleed oo ka tirsan Soomaaliya,Jabuuti iyo Itoobiya.

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE