Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo QM kala hadlay Arrimaha doorashooyinka

by admin | Monday, May 2, 2022 | 589 views

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa kulan kula qaatay ku-xigeenka wakiilka Xoghayaha Guud ee (QM) ee Soomaaliya marwo Anita Kiki Gbeho oo Guddoomiyaha la wadaagtay dhambaal casuummaad ah oo ay ka sidday dowladaha C6+.

Marwo Anita Kiki ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka  ugu hambalyaysay xilka loo doortay Guddoonka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa uga mahad celiyay Anita Kiki Gbeho kaalinteeda ku aadan taageerada Qaramada midoobay ee Soomaaliya ee Arrimaha doorashooyinka.

Maalmihii la soo dhaafay Guddoomiyaha Golaha Shacabka  ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa waxaa uu waday kulamo uu la qaadanayay saamileyda Siyaasadeed ee dalka, isaga oo kala hadlay arrimo ku saabsan diyaar garoowga doorashada Madaxweynaha.

Like it? Share it!

Leave A Response