NISA oo soo bandhigtay Sarkaal kasoo goostay Al-Shabaab & hub uu watay

by admin | Friday, Apr 29, 2022 | 473 views

Taliska Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed ayaa soo bandhigay mid kamid ah Saraakiisha Ururka Al-Shabaab oo lagu magacaabo Ciise Cumar Deerow Isxaaq, kaasi oo Al-Shabaab u qaabilsanaa Weerarada Jabhadaha muddo 8-sano uu ka tirsanaa, sida ay sheegeen sraakiisha NISA ee Koonfur Galbeed.

Ciise Cumar Deerow oo Warbaahinta la hadlay wuxuu sheegy in uu qeyb ka ahaa dagaalo dhowr ah oo ka dhacey Gobolada Jubbooyinka iyo Baay, waxaana sidoo kale Hay’adda Nabadsugida ay soo bandhigtey hub uu kala soo goostey Al-Shabaab oo ay kamid yihiin 2-qori oo AK47 & hal BKM ama Dabajeex.

Sidoo kale Cumar ayaa hoosta ka xariiqey inuu fahmey dhibaatada ay shacabka ku hayaan, wuxuuna ugu baaqay dhalinyarada kale ee weli kasii tirsan Ururka Al-Shabaab inay isaga oo baxaan.

Saraakiisha Ciidamad Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed aya dhankooda u mahad celiyay Ciise Cumar maadama uu kasoo baxay Ururka Al-Shabaab, waxana ay sheegeen inay soo dhaweeynayaan qof kasta oo kasoo tagaya.

Like it? Share it!

Leave A Response