Shir ka dhacay Dirirdhaba oo kalsoonida loogala noqday Cabdi Maxamuud Cumar.

by admin | Monday, Aug 6, 2018 | 1076 views

Magaalada Dirirdhaba ee dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya waxaa lagu soo gaba gabeeyay shirweyne halkaas ka socday tan iyo billowgii Bishan August.

Shirkaas waxaa qaban qaabadiisa lahaa Odayaasha degaanka,Qurbe joogta dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya iyo xubno kale.

Markii uu shirka dhamaaday ayaa waxa ugu weyn ee ka soo baxay waxaa ka mid ahaa in ka qeybgalayassha shirkaas ay isku raaceen in kalsoonida ay kala laabteen Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.

Suldaan Fawsi Maxamed Cali,waxaa uu ka mid ahaa hormuudkii shirkaas,waxaana uu sheegay in Cabdi Maxamuud Cuamr uu dhibaato badan ku hayo dadka Soomaalida ah iyo kuwa kaleba.

Waxaa uu Suldaanku sheegay in ay dowladda dhexe ku wargeliyeen in Cabdi Maxamuud Cumar uusan ahayn madaxweynaha dowlad Degaanka.

Qaban qaabiyayaasha shirka Dirirdhaba waxaa ay la baxeen dulmi diid,halka qolo kale oo taageersan Cabdi Maxamuud Cumar iyaguna la baxeen Heego.

Labada dhinaca ayaa isku eedeynaya in mas’uuliyadda rabshadaha ka dhashay Gobolka ee ay labadii maalmood ee la soo dhaafay  ku dhinteen ugu yaraan 30 Qof.

Like it? Share it!

Leave A Response