Howlgalka ATMIS oo bandow kusoo rogaya Xerada Xalane ee Muqdisho

by admin | Monday, Apr 25, 2022 | 533 views

Howgalka Ciidamada ATMIS ee loo aqoon jiray AMISOM ayaa shaaciyay in bandow lagu soo rogayo Guud ahaan xeradda Xalane ee Magaalada Muqdisho inta u dhaxeysa 26 ilaa 28 bishan.

Qoraal kasoo baxay howlgalka ATMIS ayay ku sheegeen in la tashi ay la sameeyeen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble kadib ay go’aankaan soo saareen.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen inaan loo dhawaan karin Xarunta Afisiyooni halkaas oo ah goobta ay ka dhaceyso doorashadda Guddoonka Golaha Shacabka & tan Madaxweynaha, hayeeshee ay sheegeen in howlaha kale ee garoonka Diyaaradaha si caadi ah ay u soconeyaan maalmahaas.

Xilliga ay sheegeen howlgalka ATMIS in bandow lagu soo rogayo Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho ee ah inta u dhaxeysa 26 ilaa 28 bishan ayaa waxaa dhaceysa Doorashadda Guddoonka labadda Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response