Dad badan oo rayad ah oo lagu laayay gobalka Darfuur

by admin | Monday, Apr 25, 2022 | 675 views

Hay’adaha gargaarka ee dalka Sudan ayaa ku warramaya in dad badan oo rayad ah ay ku dhinteen dagaallo ka dhacay gobalka Darfur.Dagaalka ayaa jimchihii ka dhex qarxay laba beelood oo xifaaltan ka dhaxeeyo kuwaas oo wada dega magaalada Krink ee galbeedka Darfur. Isku dhacyadaan ayaa sii xoogaystay Axaddii.

Rabshadahan oo ka qaraxy galbeedka gobalka Daarfur ayaa sida muuqata waxaa ay ka dhasheen kadib markii qabaa’illo Carab ah ay weerar ku qaadeen tuulooyin ay degganyihiin dadka laga tirada badanyahay ee Massalit .

Weeraradaan oo salka ku hayo aanooyin qabiil ayaa hadda sii xoogaystay. Waxaana socda dhac iyo boob baahsan waxaana la gubayo Guryo badan.

Axaddii shalay hay’adda laanqayrta cas ayaa ka digtay in ay ka sii darto xaaladda binu aadanimo ee halkaasi ka jirta iyadoo ku baaqday in dadka xanuusan iyo kuwa dhaawacmay loo oggalaado in ay gargara helaan.

Qaar ka mid ah dadweynaha magaalada Krinik ayaa sheegay in halka rabshadhu ka dhacayaan la geeyay ciidamada ka hortaga rabshadaha ee magacooda loo soo gaabiyo RSF.

Like it? Share it!

Leave A Response