RW Rooble oo weerarkii hoobiyeyaasha ku sheegay mid lagu curyaaminayo doorashada

by admin | Monday, Apr 18, 2022 | 497 views

Ra’iisul Wasaaraha  Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya ayaa cambaareeyay weerarkii hoobiyeyaasha ahaa ee Maanta ka dhacay Xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho, wuxuuna sheegay in uu ahaa mid argagixiso oo la doonayo in lagu carqaladeeyo shaqada Baarlamaanka Federaalka ah.

“ Isku dayga Maanta waxa uu ahaa fal fulaynimo ah oo la doonayay in lagu cabsigaliyo Baarlamaanka oo ku guda jira waajib gudashadiisa dastuuriga ah si loo cuuryaamiyo in doorashadu dhaqso u dhammaato ayuu yiri” RW Rooble.

Sidoo kale wuxuu Ra’iisul Wasaaruhu bogaadiyay  dadaalka Baarlamaanka ee dhammaystirka iyo dardargalinta doorashada.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha ayaa  bogaadinaya shaqada  Ciidamada Qaranka isaga oo faray Taliyeyaasha Ciidammadu in ay laba laabaan dadaalkooda ku aaddan suggidda amniga iyo ka hortagista isku day kasta oo lagu carqaladaynayo amniga dalka, gaar ahaan xilligaan lagu guda jiro arrimaha doorashooyinka.

Like it? Share it!

Leave A Response