DEG DEG: Booliska rabshadaha ka hortagga oo lagu arkay waddooyinka Jigjiga

by admin | Sunday, Aug 5, 2018 | 1397 views

Ka dib markii ciidamada dowladda Itoobiya ay shalay la wareegeen Magaalada Jigjiga halkaasina ay ka dhaceen rabashaddo xooggan ayaa arintaasi waxaa ka hadlay Ciidamada Milatariga.

Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in sababtii Ciidamada ay u galeen Jigjiga in ay aheyd in ay xaqiijiyaan Amamanka.

Dowladda waxa ay sheegtay in ciidanka Milatariga ay qaadi doonaan tallaabo kasta oo looga hortagayo in rabshado hor leh ay ka qarxaan dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya.

Militariga waxay sheegeen inay sugayaan ammaanka guud ee magaalada Jigjiga.

Saaka ayaa sidoo kale Magaalada Jigjiga waxaa lagu arkay Ciidamada Booliska Federaalka ee loogu tala galay in ay ka hortaggaan rabshaddaha sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Rabshadahii shalay ka dhacay magaalada Jigjiga waxaa lagu bililiqaystay tukaamo iyo bangiyo, waxaana dab la qabadsiiyay kaniisado iyo weerar lagu qaaday dadka aan Soomalida ahayn ee halkaasi ku noolaa, halka 10 qof ay ku dhinteen qalalaasahaasi

Like it? Share it!

Leave A Response