Rooble oo kulan la yeeshay Gudoomiyeyaasha KMG ah ee labada Aqal

by admin | Saturday, Apr 16, 2022 | 546 views

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddoomiyeyaasha KMG ee labada Gole ee Baarlamaanka 11aad.

Rooble ayaa kala hadlay sidii loo dhameystiri lahaa doorashooyinka, iyo in si dhaqse ah loo qabto doorashada Guddoonka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Raiisul wasaaraha dalka ayaa sheegay in labada guddoon laga doonaayo in ay caqabadaha ka ilaaliyaan doorashada guddoonka labada Aqal ayna soo Magacabaan Guddiyada doorashada.

Sidoo kale labadda Gudoomiye ee KMG ah ayaa u soo gudbiyay Raiisul wasaaraha Soomaaliya Caqabadaha heysta oo ay ka mid yihiin dhanka maaliyadda iyo ammaanka.

Like it? Share it!

Leave A Response