Puntland oo sheegtay inay heyso Magacyada Kooxo falal Amni darro geystay

by admin | Friday, Apr 15, 2022 | 464 views

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bare G/sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir ayaa ka hadlay xaalada amni ee gobolka bari, isaga oo sheegay inay jiraan Kooxo abaabulan oo dhibaateeya dadka Shacabka ah.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Kooxaha abaabulan ay yihiin dhalinyaro yaryar oo dadka ku dhibaateeya Tooreey oo ay dhacaan, kuwaas oo uu sheegay inay hayaan Magacyadooda iyo dambiyada ay geysteen.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bare G/sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir waxaa uu uga digay Waalidiinka difaaca markii howlgal lagu qabto Carruurtooda oo dhibaato faraha kula jira,  wuxuna ka codsaday in ay Waalidintu kala shaqeeyeen Ciidamada Amniga Magaalada Bosaaso.

Warkaan kasoo baxay Taliska boooliska Gobolka Bari ayaa kusoo beegmaya xilli todobaadyadii la soo dhaafay bulshada kunool degaano katirsan gobolka Bari inay ka cabanayeen dhalinyaro ku hubeysan tooreey oo dhibaato ku haaya.

Like it? Share it!

Leave A Response