Madaxweynaha Galmudug & Xildhibaano kusii jeeda Baydhabo

by admin | Friday, Apr 8, 2022 | 433 views

Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay inay tagaan wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye( Qoor Qoor).

Wafdiga oo ay qeyb ka yihiin Xildhibaano katirsan labada Aqal ayaa waxaa uu ujeedkooda uu yahay inay wada-hadallo la furaan Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo shalay sheegay in uu  tabasho ka qabo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweynaha Galmudug iyo Xildhibaannada la socda ayaa kulamo looga hadlayo sidii xal looga gaari lahaa khilaafka Madaxweyne laftagareen iyo Ra’iisul Wasaaraha la qaadan doono Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo diiday in Xildhibaannada laga soo doortay Maamulkaas inay qaataan Shahaadada Xildhibaannimo.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa shalay isaga oo hadlayay wuxuu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu doonayay in uu u dhigto Isbaaro Siyaasadeed balse uu ka diiday.

Like it? Share it!

Leave A Response