Jubbaland oo taageertay Go’aankii lagu Eryay Francisco Madeira

by admin | Friday, Apr 8, 2022 | 368 views

Maamulka Jubbaland ayaa soo dhaweeyay go’aanka masiiriga ah ee Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka gaartay Danjiriii Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira, oo dalka laga cayriyay kadib markii lagu eedeeyay in uu ku xadgudbay arimaha gudaha ee dalkeena taas oo xad gudub ku ah xeerarka Caalamiga ah ee diblomaasiyada kana baxsan shaqadii loo igmaday.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in Inta uu madaxa ka ahaa howlgalka midowga afrika ee AMISOM Madeira, uu si dulaalnimo ah uga dhex shaqaynayay siyaasada gudaha ee dalka  kuna milmay xarig jiidka siyaasada ee ka dhexeeya dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale jubbaland ayaa sheegtay in Francisco Madeira,  uu qeyb ka ahaa duulaankii Madaxweynaha xilligiisu dhamaaday uu kusoo qaaday Jubbaland sidoo kalena uu ka horyimid heshiiskii Jubaland iyo siyaasiyiintii tabashada ka qabay Doorashooyinka 2019ka ee Jubbaland si qulqulatooyinka iyo kala aragti duwanaanta dadka reer Jubaland aan xal looga gaarin.

“Wuxuu in mudo ah ka caga jiidayay howlgalada ay qaadi jireen Ciidamada AMISOM isagoo meelo badan oo dalka kamid ahna ka saaray Ciidamadii joogay si ay dib ugu qabsadaan kooxaha argagixisada ah ayaa lagu yiri” Qoraalka Jubbaland.

Ugu dambeyn Jubbaland ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah Mudane Maxamed Xuseen Rooble uu wakiil uga yahay shacabka Soomaaliyeed hirgalinta himilooyinka iyo danaha Ummada inta lagu guda jiro xiligan kala guurka ah.

Like it? Share it!

Leave A Response