NISA oo sheegtay inay jiraan weeraro lala beegsan rabo Madaxweynaha & Ra’iisul Wasaaraha

by admin | Tuesday, Apr 5, 2022 | 438 views

War kasoo baxay taliska Hay’adda Nabadsugida & Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxda Qaranka ay siiyeen warbixin ku saabsan khatar ay maleegayaan Al-Shabaab oo ay rabaan inay ku beegsadaan Madaxwaynaha & R/Wasaaraha.

Qoraal lagu daabacay barta Twitter-ka ee Hay’adda NISA ayaa lagu soo bandhigay Magaca Shaqsi ay sheegeen in uu wado qorshaha fulintaas, isla markaana ay ku raad joogaan.

“Waxan Madaxda Qaranka siinay warbixin ku saabsan khatar ay malegayaan Maafiyada AS oo ay rabaan inay ku beegsadaan Madaxwaynaha & R/Wasaaraha Qaranka. Maxamad Mahir oo ah dhagarqabe sare oo AS ka tirsan ayaa wada fulinta qorshaha. Dabagal ayaan ku haynaa cid kaste oo ku lug leh ayaa lagu yiri” Qoraalka NISA.

Warkaan kasoo baxay Hay’adda NISA ayaa daba socda xilli dhawaan Ra’iisul Wasaaraha uu sheegay in ay usoo hanjabeen raggii dilay Ikraan Tahliil sidoo kalena ka dambeeyay qorshihii lagu dilay Xildhibaan Aamino Maxamed oo katirsaneyd Baarlamaankii 10aad.

Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka iyo Siyaasiyiin kamid ah mucaaradka ayaa ka falceliyay qoraalka NISA, iyaga oo ka kuujiyay shaki xoogan.

Like it? Share it!

Leave A Response