Dagaal ka dhan ah Al-Shabaab oo looga dhawaaqay Gobolka Hiiraan

by admin | Tuesday, Mar 22, 2022 | 538 views

Taliyaha Qeybta 27aad ee ciidanka dhulka xooga dalka Somaliyeed Gen, Axmed Maxamed calasoow {Tareedishe} ayaa gaaray Degmada Buulaburde ee Gobalka hiiraan waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Qeybta 27aad ee ciidamada Xoogga dalka.

Taliyaha ayaa safarkiisa waxaa ku wehlinaya Taliyaha Guutada Afaraad ee qeybta 27aad Janeraal Saneey Cabdulle & Saraakiil kale, waxaana ay kulamo la qaateen Saraakiisha ciidamada, isaga oo ku amaanay shaqada ay qaranka u hayaan Saraakiisha iyo ciidamada Qalabka sida.

Sidoo kale Taliyaha ayaa waxaa uu  ku dhiira-galiyay Ciidamada in loo adeego Qaranka lagana difaaco cid kasta oo wax u dhimaysa oo ay ugu Horeeyaan Al-Shabaab.

Maalmaha soo socda ayay saraakiishaan sii joogi doonaan degmada buuloburde ee Gobolka Hiiraan, iyaga oo halkaasi kulamo looga hadlayo sidii go’doonka looga qaadi lahaa degmadaas la yeelan doona saraakiisha kala duwan ee Ciidamada.

Like it? Share it!

Leave A Response