helo
05 26 2013
Headline

Al shabab oo shegatay qaraxyadii maanta lagu werarey madaxweyne Xasn sh maxamud

Xarakada al shabab ayaa war ay so geliyeen barta ay ku leyihin twitterka lagu shegey inay iyagu ka dambeyen qaraxyadii ismiidaminta ahaa ee maanta lagu qaaday hotel jasiira xili uu halkas ku sugna madaxwayne Xasan sh maxaum iyo weliba wafdi ka socday dalka kenya.

Warka ayaa lagu shegey in labo qof oo al shabab kamid ah ay howlgalkas fuliyen kuna guuleysten qaabkii loogu tala galey.

Waxa sidoo kale warku lagu shegey inay qaraxyadas ku dileen 20 qof oo isugu jira ilaaladi khaaska aheyd ee wasirka arimaha dibada kenya Amison iyo weliba ciidamo ka tirsan kuwa dowlada somaliya sida warka lagu shegey.

Dhanka kale afhayenka Amison ee ka howlgalaya somaliya colo. Cali aadan xummad ayaa sheegey in ciidamada Amison iyo kuwa dowlada ay ku guuleysten inay fashiliyaan qaraxyo la doonayey in lagu qaarijiyo madaxwaynaha somaliya iya wasirka arimaha dibada dalka kenya. 

What Next?

Recent Articles

Leave a Reply

Submit Comment