Dowladda Somalia & Midowga Yurub oo ka shiray arrimaha doorashooyinka

by admin | Monday, Mar 7, 2022 | 528 views

Wasiirka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamad Nuur iyo safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Tiina Intelmann ayaa si wadajir ah u shir guddoomiyay Kulan looga hadlayay arrimaha doorashooyinka oo ay ka qeyb galeen safiirada waddamada Midowga Yurub.

Shirka oo ka dhacay xarunta dhexe ee Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa waxaa diirrada lagu saaray Amniga doorashooyinka dalka, waxaana aaladda Zoom-ka uga qeyb galay qaar kamid ah safiirada Midowga Yurub.

Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Maxamad Nuur ayaa uga mahad celiyay taageerada Midowga Yurub uu la garab taaganyahay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, isaga oo sidoo kale wasiirku ku booriyay sii joogtaynta kaalmadaas, gaar ahaan taageerada dhanka amniga maadaama dowladu ay isu diyaarinayso in ay la wareegto mas’uuliyadda Amniga dalka dhammaadka Sanadka soo socda ee 2023-ka.

Dhankooda safiirada Midowga Yurub ayaa boggaadiyay habsami u socodka howlaha doorashooyinka iyaga oo u rajeeyay xukuumadda iyo Dowlad goboleedyada in ay kusoo dhammaystiraan howlaha doorashooyinka muddadii lagu heshiiyay.

Sidoo kale Safiirada ayaa boggaadiyay howlaha hay’adaha amniga, waxayna ballan qaadeen in ay sii wadayaan taageerada Dowladda iyo Shacabka,gaar ahaan arrimaha amniga.

Like it? Share it!

Leave A Response