Kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo Maanta la doortay

by admin | Sunday, Mar 6, 2022 | 586 views

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa ka bilaabatay doorashada Shan kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, kuwaas oo degaan doorashadoou ay tahay degaannada Maamulka Galmudug.

Kursiga Kowaad ee doorashada Maanta oo ah Hop#013 oo ay horay ugu fadhisay Maryan Maxamed Xuseen ayaa waxaa Maanta loo doortay Aadan Cismaan Xuseen oo ah Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Maamulka Galmudug, isaga oo helay codad gaaraya 82 cod.

Kursiga labaad ee Hop#101 ayaa waxaa markale ku guuleystay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Xersi Aadan Rooble oo kusigaan horay ugu fadhiyay kadib markii ay u tanaasushay Caa’isho Xersi Maxamed, waxaana cod gacan taag ah uu ku helay 88 Cod.

Kursiga Saddexaad ee Hop#001 oo uu ku fadhiyay Warsame Maxamed Xasan (Joodax)  ayaa waxaa ku guuleysatay Jawaahir Maxamed Axmed oo heshay codad gaaraya 101 cod kadib markii uu tanaasulay musharixii la tartami lahaa.

Kursiga Afaraad ee Hop#017 oo ay ku fadhisay dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiday Duniyo Maxamed Cali, balse waxaa ku guuleysatay Qaladla Cali Cawaale kadib markii uu tanaasulay musharrixii la tartami lahaa, waxaana vod gacan taah ah oo loogu codeeyay ay heshay 79 cod oo ah kooramka ergada fadhisay.

Ammaanka Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta aad loo adkeeyay, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda sidoo kale lagu qabto doorshada kuraas kamid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response