Madaafiic lagu garaacay Balcad

by admin | Friday, Aug 3, 2018 | 975 views

Tiro madaafiic ah ayaa xalay waxaa lagu garaacay qeybo ka mid ah degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sida ay inoo sheegeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Madaafiicdan ayaa waxa ay ku kala dhaceen xaafado ka tirsan degmada Balcad, waxaana ay cabsi ku abuureen dadka shacabka ah oo xalay aanan indhahooda is gelin.

Ilo xog ogaal ah ayaa waxa ay sheegeen bartilmaameedka Hoobiyeyaashan inay ahaayeen fariisin ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ay ku leeyihiin bariga magaladaasi.

Inta la xaqiijiyay Madaafiicdan waxaa ku dhaawacantay ilaa Laba qof oo midi uu yahay Oday Da’ah iyo wiil yar oo jira Todobo sano jir ah, mana jirto wax dhimasho ah, sida ay inoo sheegeen saraaakiisha caafimaadka magaaladaasi.

Saraakiisha Millatariga Soomaaliya ee gobolkaasi ayaa waxa ay sheegeen in madafiicdan ay soo tuureen Shabaab oo ay tilmaameen ujeedadooda inay tahay dhibaateynta shacabka.

Masuuliyiinta Hirshabeelle iyo Maamulka gobolka Shabeellaha dhexe oo aan la xiriirnay si aan wax uga weydiino madaafiicdan ayaa inoo suurageli weyday inaan qadka ku helno.

Like it? Share it!

Leave A Response