DFS oo ka hadashay dalal soo dhaweeyay Somalida ka cararaeysa dagaalka Ukraine

by admin | Thursday, Mar 3, 2022 | 415 views

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa wadahadal khadka teleefoonka ah la yeeshay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee Romania, Mudane Cornel Feruţă.

Wasiir Cabdisaciid ayaa yiri ” waxa aan wadahadal wanaagsan la yeeshay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Romania Mudane Cornel Feruţă oo igu wargeliyay in Romania ay qaabishay 40 muwaadin oo Soomaali ah oo ka yimid dhanka Ukraine, waxaana loo oggolaaday inay joogaan Romania”

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa hadalkiisa ku daray “waxa aan uga mahadceliyay Mudane Cornel Feruţă iyo dowladdiisa tallaabooyinka mahdinta leh iyo taageerada. Waxa aan ku heshiinnay inaan xoojinno xiriirkeena taariikhiga ah ee muddada dheer jiray iyo sii ambaqaadidda iskaashiga ku qotama howlaha dano wadaagga”.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa khadka talefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha Mudane Wang Yi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee ku qotoma ixtiraamka iyo ilaalinta qarannimada, madaxbannaanida siyaasadeed iyo midnimada dhuleed ee labada dowladood.

Labada Wasiir ayaa wada hadalkooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo wax wada qabsiga ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, iyo sidii Labada dal ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada amniga, bini-aadannimada, horumarinta, ganacsiga iyo dhaqaalaha, si looga dhabeeyo himilooyinka qaran ee labada Shacab ee saaxiibbada ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ayaa uga mahad celiyey dowladda Shiinaha doorka ay ka qaateen gurmadka loo fidinayo shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, isaga oo hoosta ka xarriiqay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta iskaashiga dheef wadaagga ah ee kala dhexeeya Shiinaha.

Like it? Share it!

Leave A Response