Muxuu Goodax Bare ka yiri doorashada Beledweyn?{kashifaad}

by admin | Wednesday, Mar 2, 2022 | 519 views

Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo haatana ah musharrax markale u tartamaya Golaha Shacabka ayaa ka hadlay doorashada ka dhaceysa Beeldweyne, isaga oo ku sugan magaaladaasi.

Goodax Barre oo u sharraxan kursiga tirsigiisu yahay hop#063 ayaa si guud u dhaliilay hanaanka ay ku socdaan doorashooyinka dalka.

Wasiirkii hore ee waxbarashada ayaa shaaca ka qaaday in doorasho wax la yiraahdo aysan ka socon dalka, balse ay tahay waxa socda xulasho, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in markii hore uu ku talagalka ahaa in la qabto doorasho xalaal ah oo ay si sax ah uga qayb-galayaan ergooyinka, balse aysan dhicin.

“Doorashadan waddanka ka dhaceysa dhammaantiin waad la socotaan wax doorasho la yiraahdo oo qurux doorasho leh kama muuqato. Ku talagalku wuxuu ahaa doorasho xalaal ah oo ergooyinka soo doortaan,” ayuu yiri wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya.

Waxa kale oo uu hadalkiisa sii raaciyey “Anigu waxaan iraahdaa doorasho maahinee waa xulitaan ee xulitaan kaliyane maahinee waxaa la socdo xaraash,”.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday doorashada ka dhaceysa degmada Beledweyne ee uu isaga u tartamayo, wuxuuna tilmaamay inay ku rajo weyn yihiin inay tusaale u noqdaan waddanka intiisa kale, ayna beeshu gacanteeda ku soo xulato xildhibaanada metalaya.

“Annaga waxaan rajeyneynaa inaan tusaalo u noqono waddanka intiisa kale oo dadka aan rabno mas’uulka inay naga noqdaan ee nagu metalaan 275 ee baarlamaanka inaan gacanteena ku xulano,” ayuu markale yiri siyaasiga caanka ah Cabdullaahi Goodax Barre.

Si kastaba, Cabdullaahi Goodax Barre oo marar kala duwan si adag uga hadlay arrinta Beledweyne, kana horyimid ciidamadii la geeyey magaaladaas ayaa hadda wajahaya loolan xoogan oo ku aadan kursiga uu u tartamayo, kaas oo maanta la shaaciyey jadwalkiisa.

Like it? Share it!

Leave A Response