Cumar Filish oo sheegay in laga hortegay weeraro ay qorsheeynayeen Al-Shabaab

by admin | Tuesday, Mar 1, 2022 | 447 views

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Caasimadda Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa sheegay in doorashooyinkii Golaha Shacabka ee ka dhacay Muqdisho ay si nabad ah ku billowdeen kuna soo geba-gaboobeen.

Guddoomiyaha oo hadal ka jeedinayay munaasabad loogu mahad celinayay Ciidanka Booliska waxaa uu sheegay in Al-Shabaab markasta ay maleegayeen qorsho ka dhan ah Goobaha ay ka socdeen doorashooyinka, balse Ciidamada oo feejigan ay ka hortageen.

Waxaa uu u mahad celiyay Ciidamada Booliska iyo Saraakiishooda oo u fuliyay siduu ahaa qorshihii Amni ee loo dejiyay Arrimaha doorashooyinka, balse ay jireen cabasho ka imaaneysay Bulshada oo la xiriirtay waddooyinka la xirayay, hayeeshee ay Shacabka qanciyeen.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish waxaa uu uga mahad celiyay Shacabka Muqdisho sidii ay garab istaaga ugu muujiyeen intii ay socdeen doorashooyinka Golaha Shacabka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu qabtay doorashada kuraasta Gobolada Waqooyi iyo Beelaha Banaadiriga, waxaana intii ay doorashada socotay Isgoyska Ceelgaabta qarax ismiidaamin ahaa lala beegsaday qaar kamid ah ergada doorashada oo waxyeelo ay kasoo gaartay.

Like it? Share it!

Leave A Response