Mas’uul katirsanaa dowladda Kenya oo la dilay & Al-Shabaab oo sheegtay

by admin | Tuesday, Mar 1, 2022 | 461 views

Rag hubeysan ayaa waxaa la sheegay inay dileen Guddoomiye ku xigeenkii tuulada Cumar Jilacow ee bariga ismaamulka Mandera ee dalka Kenya Maxamad Cabdi Axmad (Jaak), iyaga oo dilka kadib Goobta ka baxsaday.

Dilka ayaa goobjoogayaal ay Warbaahinta u sheegeen in uu ka dhacay inta u dhexeyso magaalada Mandera iyo deegaanka hoose ee Cumar Jilacow.

Ciidamo katirsan Booliska Kenya oo tegay Goobta uu dilka ka dhacay ayaa wada baaritaanka sida uu dilka u dhacay, hayeeshee waxaa mas’uuliyadda dilkaasi sheegtay Ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenkii degaanka Cumar Jilacow ee Magaalada Mandheera ayaa xilkan loo magacaabay ka dib markii sidaan oo kale loo dilay mas’uulkii ka horreeyay.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro qorsheysan ka fuliya degaannada hoostaga Magaalada Mandheera ee dalka Kenya, balse dilkaan ayaan weli dowladda Kenya aysan ka bixin wax faah faahin ah.

Like it? Share it!

Leave A Response