DFS oo QM kala hadashay Arrimaha doorashooyinka & Amniga dalka

by admin | Tuesday, Mar 1, 2022 | 447 views

Safiirka Dawladda Soomaaliya ee Itoobiya Cabdullahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) ayaa ku qaabilay xarunta Safaaradda wafdi uu hoggaaminaayo Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mudane James Swan.

Kulanka ayaa la iskula soo qaaday doorashooyinka hadda ka socda Soomaaliya, hawlgalka cusub ee ciidamada nabad ilaalinta ee kusugan Soomaaliya iyo ammaanka Guud ee dalka.

Safiirka ayaa la waddaagay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mudane James Swan sida ay uga go’an tahay dowladda Soomaaliya dhammaystirka doorashooyinka iyo sida ay ciidamada soomaaliyeed ugu diyaar garoobeen kala wareegidda ammaanka dalka ciidamada nabad ilaalinta ujooga Soomaaliya.

Ugu danbayn Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mudane James Swan ayaa boggaadiyay dadaallada ku aadan qodobada la isla soo qaaday dhammaantood.

Like it? Share it!

Leave A Response