Banaanbax ka dhacay degmada Beled-Xaawo ee G/Gedo

by admin | Monday, Feb 28, 2022 | 361 views

Banaanbax ayaa qaar kamid ah Bulshada kunool degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo waxaa ay ka sameeyeen Gudaha degmada iyo xadka degmadaasi ay la wadaagto Magaalada Mandheera ee dalka Kenya.

Dadka banaanbaxa dhigaya ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan faragelin iyo in la musuq maasuqa doorashada 16 kursi ee taalla Magaalada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Banaanbaxayaasha oo socdaal dheer ku maray Xaafadaha degmada Beled-Xaawo ayaa ku dhawaaqayay Erayo ay kamid yihiin, Musuq maaquq doonineyno, Dollar qaate Dooni meyno, Axmed Madoobe doonimeyno iyo Erayo kale.

Qaar kamid ah banaanbaxayaasha oo hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in Axmed Madoobe iyo dad uu taageero ka helayo ay kenya ugu horreeyso ay doonayaan in doorashada laga wareejiyo degmada Garbahaareey.

Waxaa ay sheegeen in Garbahaareey ay tahay mid Nabad ah oo doorasho ay ka dhici karro, isla markaana aysan aqbaleyn in la musuq maasuqa doorashada.

Doorashada kuraasta taalla degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo ayaa weli u xayiran khilaafka u dhaxeeya Villa Somalia & Madaxweynaha Jubbaland, iyada oo dhawaan guddi qiimeeya xaalada Garbahaareey uu Ra’iisul Wasaaraha u diri doono.

Like it? Share it!

Leave A Response