Xukuumadda Somalia & Midowga Afrika oo ka wada hadlay Ammaanka doorashada

by admin | Monday, Feb 28, 2022 | 395 views

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay jadwalka doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, kuwaas oo guddiga horay u shaaciyay in la qabanayo doorashadooda.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu shaaciyay in 1-da Bisha Maarso oo Beri ah la bilaabi doono tababarka Ergada doorashada lana shaacin doono Guddiyada Ergooyinka.

Sidoo kale Guddiga waxaa ay sheegeen in Maalinta talaadada ah oo taariikhdu tahay 2-da Bisha la diiwaangelin doono musharrixiinta lixda kursi halka Maalinta xigta ee Khamiista ah taariikhduna tahay 3-da Maarso la qabanayo doorashada lixda kursi ee kala ah.

1: Hop#275 oo uu hadda ku fadhiyo Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed Xasan.

2: Hop#230 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyo Pro, Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim (IBBI).

3:Hop#183 oo uu ku fadhiyo Sandheere Maxamed Iftin.

4: Hop#178 oo uu ku fadhiyo Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed Amar-dambe.

5: Hop#050 oo uu hadda ku fadhiyo Wasiirka shaqada & Arrimaha Bulshada Soomaaliya Cabduwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif.

6: Hop#253 oo ay ku fadhiso Xildhibaan Samra Ibraahim Cumar.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa wada dardar gelinta howlaha doorashooyinka iyo inay kusoo geba-gabeeyaan inta aan la gaarin 15 Bisha Maarso oo ah waqtiga lagu balamay in la dhameeyo doorashooyinka Golaha Shacabka.

Like it? Share it!

Leave A Response