Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo lagu qabtay Magaalada Beledweyne{warbixin}

by admin | Sunday, Feb 27, 2022 | 490 views

Guddiga hirgelinta heer dowlad Goboleed ee Mamulka Hir-Shabeelle ayaa Maanta Magalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiran ku qabtay doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, kuwaas oo horay guddiga jadwalkooda u shaaciyeen.

Kursiga Koowaad ee Hop#032  ayaa waxaa markale Maanta ku guuleystay Wasiirka Wasaaradda Ganacasiga Dowladda federaalka Soomaaliya Xildhibaan khaliif Cabdi Cumar oo kursigaan horay ugu fadhiyay, wuxuuna helay Codad gaaraya 81 Cod halka Musharaxii la tartamayay ee Axmed Cumar Gureey u helay 10 Cod,, waxaana halaabay7 cod.

Kursiga labaad ee Hop#068 oo ay horay ugu fadhisay Faadumo Faarax Ibraahim, balse sanadkaan laga wareejiyay ayaa waxaa ku guuleystay Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Moalimuu.

Xildhibaan Macalimuu ayaa waxaa u tanaasulay musharixii la tartami lahaa ee Maxamed Cabdicasiis Xasan, waxaana cod gacan tag ah ugu codeeyay 92 Ergo oo maanta ku sugnaa Goobta doorashada, sida uu sheegay Guddoomiyaha Gudiga doorashooyinka Maamulka Hir-Shabeelle.

Intaas kadib Xildhibaan oo hadal kooban jeediyay ayaa u mahad celiyay dhamaan Ergadii dooratay iyo cid kasta oo garab taagneyd, isaga oo sidoo kale sheegay in kursigaan uu si cadaalad ah ugu Shaqeyn doono.

Kursiga Saddexaad ee HOP#022  ayaa waxaa ku guuleystay Cismaan Maxamed Cabdi Daalo oo kursigaan  horay ugu fadhiyay kadib markii ay u tanaasushay  Faadumo Maxamed Cabdulle, waxaana Cod gacan taag ah oo loogu codeeyay Cismaan Maxamed Cabdi Daalo uu helay 80 Cod mana jirin cid diiday ama ka aamustay.

Kursiga Afaraad ee Hop# 033 ayaa waxaa ku guuleystay Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene oo kursigaan horay ugu fadhiyay kadib markii uu tanaasulay Musharax Aadan Qaasim Maxamuud, waxaana cod gacan tag ah oo loogu ceeyay uu helay Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene 88 Cod oo aheyd Ergadii goobta fadhisay.

Kursiga Shanaad ee Hop#006 ayaa waxaa markale ku guuleystay  Xildhibaan Maxamuud Cabdullahi Axmed ( Abuukaate) oo kursigaan horay ugu fadhiyay kadib markii uu tanaasulay Musharaxii latartamayay ee Cabdinaasir Cumar Cabdulle, waxaana cod gacan tag ah oo loogu ceeyay uu helay Maxamuud Cabdullahi Axmed ( Abuukaate) 91 Cod  laba Ergo ayaana diiday.

Kursiga lixaad ee Hop#252 oo uu horay ugu fadhiyay Wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada Cabdicasiis Saalax Carmaan ayaa waxaa Maanta ku guuleystay Cabdikariim Cabdow Xeydar  kadib markii ay tanaasushay Maariya Najiib Maxamed oo la tartamaysay.

Maamulka Hir-Shabeelle ayaa dhawaan sidoo kale qabanaya doorashada wajiga labaad ee Kuraasta taalla Magaalada Beledweyne iyada oo weli Magaalada Jowhar ay ku harsan tahay doorashada Shan Kursi.

Like it? Share it!

Leave A Response