Waxaa xaley markii lagu dhawaqey natiijada doorashada magaalada muqdisho isu soo baxay dadwayne aad u badan oo taagersan madaxwaynaha cusub iyadoona la maqlayey rasaas dabaldag ah oo cirka loo ridayey.
Waxaa sidoo kale xaley dabaldag lagu taagerayey madaxwaynaha cusub uu ka dhacey magaalada Nairobi gaar ahaan xafada ay soomalidu dagto ee Islii halkas oo ay isu soo baxen boqolaal dad ah oo taagersanaa madaxwaynaha cusub.
Shacabka somaliyed ee ku dhaqan guud ahaan dunida dacaladed ayaa hambalyo u soo direy madaxwayne Xasan sheekh Maxamud iyagoo sheegaya inay aad ugu faraxsan yihin isbedelka siyaasaded ee ka dhacey dalkoodii hooyo waxayna rajo ka muujiyen in madaxwaynaha cusub uu wax wayn ka bedeli doono xaalada somaliya oo cakirneyd mudo ka badam 20 dhowr sano.

Kadib markii habeenkii xaley ahaa gudoonka barlamanku uu kuu dhawaqey in Xasan Shiikh Maxamud uu ku guuleystey doorashadii xaley ka dhacday magaalada Muqdisho waxaa isla markiiba isa soo tarayey hambalyadaha ay shacabka soomaliyed u soo jeedinayen madaxwaynaha cusub.