DHAGEYSO WAREYSI: Jabuuti Oo Safiirkeedii Kala Baxday Muqdisho+Xiisada Oo Sii Cuslaatay

by admin | Wednesday, Aug 1, 2018 | 1040 views

Wareysi uu siiyey Galabta Idaacada VOA-da Danjiraha Jabuuti ufadhiya Muqdisho Aadan Xasan Aadan oo Hadda kusugan Dalkiisa Jabuuti ayuu kaga hadlay Nuxurka Warsaxaafadeedkii maanta ay soo saareen.

Dajire Aadan ayaa sheegay inay ka xumaadeen hadalkii Madaxweyne Farmaajo ka sheegay markii uu todobaadkaan tegay Magaalada Asmara Ee Caasimada Ereteria.

 

Jabuuti ayaa waxay khabar laga naxo ku sheegtay in MD Farmaajo Dalbaday in laga qaado Cunuqabateynta Hubka ee Saaran Ereteria.

 

Safiirka waxa uu ku Dhaleeceeyey Xukuumada Asmara mid rgagaxisada taageerta,ayna Dhaliil ujeediyey Dawlada Afewerki.

Waxa Dajiruhu sheegay in ay iyagu colaad badan uheyn balse ay dhul ka maqan udagaalamayaan sidii ay usoo ceshan lahaayeen,isagoo sheegay in Ereteria yihiin kuwo Jabuuti Kusoo Gar darooday.

Like it? Share it!

Leave A Response