Rag hubeysan oo xirtay waddo kutaalla degaan ka tirsan Galgaduud

by admin | Wednesday, Feb 2, 2022 | 447 views

Maleeshiyaad hubeysan ayaa Bar-koontorool dhigtay duleedka degaanka Mareergur ee Gobolka Galgaduud, iyaga oo Gaadiidka noocyadiisa kala duwan u diidaya inay galaan kana soo baxaan degaankaasi Mareergur.

Sababaha ay tallaabadaas u qaadeen ayaa warar aan helnay waxaa ay sheegayaan inay ka careysan yihiin kursiga Hop139 oo uu horay ugu fadhiyay Cabdixakiin Macalin Axmed oo u wareegay Aqalka Sare, kaas oo la sheegay in loo xiray Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Cabdi Samad Macalin Maxamuud oo uu dhalay hoggaamiyaha Ahlusunna Waljamaaca.

Gaadiid farabadan oo ka kala yimid Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka  ayay maleeshiyaadka hubeysan xanibeen, waxaana dadka saaran ay ku dhibaateysan yihiin duleedka degaanka Mareergur, kuwaas oo maleeshiyaadka ka dalbaday inay fasaxaan, balse aan laga dhageysan.

Dhowr jeer oo hore ayaa Ciidamo  ka gadoodsan mushaar la’aan waxaa ay xirteen waddooyin muhiim ah oo kuyaalla degaannada Galmudug, hayeeshee markii dambe cabashadooda xal laga gaaray.

Like it? Share it!

Leave A Response