Farmaajo oo ku baaqay in aan waxba laga badalin heshiiskii 17 September

by admin | Saturday, Dec 25, 2021 | 428 views

Madaxweynaha muddo xileedkiiso dhamaaday  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ka qeyb galey munaasabadda xuska 78-aad, ee kasoo wareegtay markii dhidibada loo aasey ciidanka booliiska Soomaaliya.

Ciidanka booliiska Soomaaliya, ayaa waxaa la aasaasey 20-kii bishii Decmber, ee 1943-dii.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay ciidanka booliska in ay ka qeyb ka noqdaan xaqiijinta Ammaanka dalka iyo doorashooyinka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku baaqay in aan lagu dag dagin isbadal lagu sameeyo heshiiska 17-septembar oo ay wada saxiixdeen Madaxda Dowladda Federaalka Dowlad Goboleedyada.

“Waxaan aaminsanahay in Ra’iisulwasaaraha iyo madaxda dowlad-goboleedyadu wax badan qabteen,doorashada dadban iyadaaba muran ku dhisan,heshiiskii 17-Septemper waan saxiixay meel buuna yaallaa wuxuu ahaa mid laga fakaray waa in la iska ilaaliyaa in wax lag baddalo” ayuu yiri Farmaajo.

Markale ayuu yiri”Madaxweynayaasha iyo Ra’iisulwasaaraha waa inay diiradda saaraan qabsoomidda doorasho hufan caddaalad ku dhisan qof walba oo muwaadin ahna u tartamikaro,waxa nalaka sugaayo waa doorasho”

Like it? Share it!

Leave A Response