Puntland oo soo bandhigtay nin Shabaab ka tirsanaa oo ka qeyb qaatay dagaaladii Suuj iyo Garmaal

by admin | Wednesday, Nov 10, 2021 | 335 views

Maamulka Puntland ayaa soo bandhigay nin dhallinyaro ah oo  katirsan Alshabaab, kaasoo kamid ahaa maxaabiistii Alshabaab ee lagu qabtay dagaalkii 2016 ka dhacay deegaannadda Suuj iyo Garmaal ee katirsan gobolka Nugaal.

Ninkan oo xilliga dagaalka lagu qabanayay da’diisu yarayd oo lasii daayay sannad kadib markii dhaqan celin loo sameeyay, laguna wareejiyay hay’adda Elmam peace, ayaa mar kale dib ugu biiray Alshabab, kadib cadaadis kaga yimid, sida uu sheegay.

Wareysi  laga qaaday ayuu ku sheegay dib ugu biiristiisii Alshabaab inuu geystay afar dil, halka kuwa kalena uu qeyb ka ahaa, dilalkaasna waxay ka dhaceen magaalada Muqdisho.

Ciidamada Puntland ayaa dhawaan ku qabtay kantaroolka lagasoo galo magaalada Garowe, kadib markii  askari katirsan ciidanka uu gartay wajigiisa, isagoo kadibna ku wareejiyay hay’addaha amniga.

Wareysiga wuxuu ku sheegay inuu safar shaqo raadisa u ahaa Bosaso ama haddii uu shaqo waayana uu qorshaynayay tahriib.

Wuxuu sheegay inuu Muqdisho ugasoo cararay cabsida Alshabaab iyo in laamaha amnigu gacanta ku dhigaan.

Muuqaal horey looga duubay markii lagu qabtay dagaalkii Suuj, ayaa lagusoo bandhigay wareysiga laga qaaday.

Like it? Share it!

Leave A Response