Ciidanka dowladda oo degaano kala wareegay Al-Shabaab

by admin | Wednesday, Nov 10, 2021 | 415 views
Ciidanka xoogga dalka ayaa Maanta waxaa ay howlgal qorsheysan ka sameeyeen degaano hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelalaha Hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa Ciidamada sigaar ah uga fuliyeen degaannada Shaam-gare iyo Raqayle oo dhexeeya Degmada awdheegle iyo Degaanka Bariire, waxaana saraakiisha ciidanka ay sheegeen inay la wareegeen Godad Al-Shabaab halkaasi uga qodnaa, kuwaas oo difaac ay ka dhiganayeen.
Sidoo kale waxaa ay sheegeen in howlgalka ay khasaaro weyn ku gaarsiiyeen Al-Shabaab, islamarkaana ay dileen Sagaal Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab 13 kalena ay dhaawaceen sida ay hadalka u dhigay.
Dhowr jeer oo hre ayaa Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana mararka qaar ay weeraro kala kulmaan Al-Shabaab.
Like it? Share it!

Leave A Response