Farmaajo oo ka qeyb galaya Shir looga hadlayo xaalada Itoobiya & Suudaan

by admin | Wednesday, Nov 10, 2021 | 365 views

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa lagu wadaa in 15 Bishaan uu Magaalada Kampala ee dalka Uganda kaga qeyb galo Shirka Urur Goboleedka IGAD.

Shirka ayaa waxaa sanadkaan looga hadlayaa xaalada Itoobiya oo dagaalo ay ka socdaan iyo xasaradaha siyaasadeed ee kajira dalka Suudaan oo uu Afgembi ka dhacy.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuu.adda Soomaaliya Maxamed Maxa.uud ayaa sheegay in shirkaas lagu falanqeyn doono in isku aragti laga ahaado xaaladaha kajira Gobolka gaar ahaan arrimaha ka taagan dalalka Itoobiya iyo Suudaan.

Wasiir Cabdirisaaq oo la hadlay BBC-FA waxaa uu sheegay in ay ka xun yihiin waxa ka socda dalka Itoobiya, sidoo kalena saameyn ay ku yeelan karto waxkasta oo ka dhaca dalalka deriska la ah Soomaaliya.

Dalka Itoobiya ayaa waxaa ka socda dagaalo  culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka Itoobiya iyo Kooxda TPLF, waxaana Xukuumadsa Itoobiya ee uu hoggaamiyo Abiy Axmed oo saaxiib gaar ah la ah Madaxweyne Farmaajo uu wajabayaa xaaladdo adag

Like it? Share it!

Leave A Response