Puntland oo kasoo horjeesatay Shirka Shidaalka Afrika ee ka socda Dubai

by admin | Wednesday, Nov 10, 2021 | 265 views

Iyada oo Magaalada Dubai ee waddanka isutaga Imaaraadka Carabta uu ka socdo Shirka Shidaalka dalalka Afrika ayaa Maamulka Puntland waxaa uu soo saaray War-saxaafadeed uu uga soo horjeedo Shirkaas.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Puntland, iyada oo ka duulaysa mowqifkeedii hore ee 9-kii Bishii January iyo 11- February 2020, ay cadaynayso in aysan qayb ka ahayn fulinta Sharciga Shidaalka ee la saxiixay 8th February 2020, maadaama uusan wafaqsanayn Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Federaalka iyo hannaanka qaybsiga khayraadka dalka oo aan wali lagu heshiin.

” Puntland waxa ay ka digaysaa in Dowladda muddo xileedkeedu dhammaaday ay xilligan gasho heshiisyo aan waafaqsanayn sharciga ee lagu xaraashayo khayraadka wadanka, kaas oo ay ka dhalan karto xasilooni darro ayaa lagu yiri” Qoraalka kasoo baxay Puntland.

Sidoo kale  Dowlad Goboleedka  Puntland ayaa uga digay Shirkadaha Caalamiga ah in aysan heshiis sharci-daro ah la gelin Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Marka laga soo tago Warsaxaafadeedka diidmada ah ee kasoo baxay Maamulka Puntland ayaa waxaa xusid mudan in Maamulka Jubbaland oo xulafo la ah Puntland uu shirkaasi uga qeyb galayo Wasiirka Wasaaradda Batroolka Maamulkaas.

Like it? Share it!

Leave A Response